Shacabka Somaliland oo raadinaya madaxweyne la mid ah DAAHIR RAYAALE

Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaan Aadan Faraax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka Somaliland ee xiligoodii ka muddo dhacay, isagoona baaq u direy xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiyada ku muransan doorashada.

Suldaan Aadan ayaa sidoo kale Madax-dhaqameedka iyo Salaadinta Somaliland ugu baaqay inaysan ku milmin siyaasada, balse ay ka qeyb qaatan sixida waxkasta oo ka qaloocda.

Suldaanka ayaa Madaxweynihii hore Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ku amaanay doorashooyinkii kala duwana ee uu waqtigoogi ku qabtay, xiligii uu hayey talada Somaliland, wuxuuna yiri

“Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ka mid yahay Madaxweynayaashii ugu wanaagsanaa ee dalka soo maray, maxaa yeelay intii uu taladda dalka hayey Doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay si fiican oo nabadgalyo ku dheehan tahay ayey u qabsoomeen, markii taladda dalka lagaga guulaystayna si sharaf iyo maamus leh ayuu xilkii Madaxweynimo u wareejiyey, masuul kasta oo dalka xilka ka soo qabtayna waxaa looga baahan yahay inuu ku daydo Daahir Rayaale”.

“Madax-dhaqameedka doorkoodu uu muuqda, waxaana looga baahan yahay inay mar walba isku duubnida iyo midaynta umadda ka taliyaan, kana shaqeeyaan, waxaa looga baahan yahay in wixii khaldan ay saxeen, Madax-dhaqmeedka waxaa looga baahan in aanay ku milmin Siyaasada, saxaana wax kasta oo inaga qaloocda”.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Xukuumadda mar walba waxaa looga baahan yahay inay ku dadaasho sidii ay Dhalinyarada kala duwan ee dalka ee Jaamacadaha ka soo baxaysa inay meelayso, oo ay jihayso, isla markaana shaqo abuur u sameeyso, anigoo Xukuumadda ugu mahadnaqaya barnaamijka ay wado ee shaqo qaran”

“Waxaan leeyahay Xisbiyada inuu khilaafkiinu sii jiitamo maaha ee wax walba waa laga heshiiya ee isku yimaada, wada tashi iyo wada jir arimaha aad isku haysaan ku xaliya, kuna dhammeeya, wakhtigu uu is guraya, Xisbiyadu khilaafkooda si wada jir ah ha u soo af jaraan oo heshiis kama dambays ah ha gaaran.”

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com