KENYA: RIYO RUMOOBI LA’

Markasta oo xukunka dacwada uu soo dhawaado, xiisadaha u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii kordhaya. Haddaba, waxaa mudan in lays weydiiyo, Kenya ma aqbali kartaa in riyadeedii ahayd inay boobto Soomaaliya ay rumoobi la’dahay?

Kenya iyo Soomaaliya, waxay Nairobi ku saxiixdeyn Abril 7, 2009 heshiis is-af-garad ah oo ujeeddadiisu ahayd in midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin “no-Objection,” gudbinta dalabka qolfoofta.

Nairobi waxay gacantogaaleysay kalsoonidii, kadibna riyadeedii u rogatay “heshiis xeerinaya soohdinta badda ee labada dal.” Xadgudubkaas wuxuu dhacay kadib markii Baarlamanka Soomaaliyeed uu cod-buuxa heshiiskii Nairobi kaga dhigay wax aan jirin “null and void,” (August 1, 2009).

Intaas waxaa dheer, in Kenya 2012kii si sharci darro ah u bixisay ruqsooyin lagu baarayo 8 waaxood oo ku yaal aaga badda Soomaalida, iyadoo qaar ka mid ah ay kala siisay ENI Energy – Talyani, Total – Fransiis iyo Anadarko Petroleum – Maraykan, (Oil & Gas Journal – 27/06/ 2012).

Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho waxay tan 2012kii isku taxallujineysay wadahadalo xal doon ah, balse dadaalkaas lama kulmin niyad wanaag iyo laabqaboojis tona.

Shan sanadood oo meermeeris ah kadib (August 28, 2014), Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka fursanweyday inay Maxkamada ICJ (International Court of Justice) horgeyso dacwad ka dhan ah Jamhuuriyada Kenya, si ay go’aan uga gaarto xuduud badeedka labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunka badaha caalamka.

Febraayo 2dii, 2017 maxakamada waxay diiday marmarsiyadii hor u dhaca ahayd (preliminary objections) ee dowladda Kenya. Maxkamadda ICJ, waxay awood u leedahay inay soo saarto qaraar kama dambeyn ah [xukun aan lahayn ikhtiyaar rafcaan].

Toddobaad ka dib, markii dowladda Soomaaliya ay London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosarista khayraadkeeda (seismic data 2014-2016), dowladda Kenya waxay bilowday caraatan iyo colaadin hor leh, inkastoo Soomaaliya ay u xaqiijisay inaysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwada, kuna kalsoon tahay Maxkamada ICJ.

Sideedaba, Nairobi waxaa caado u ah inay ceebeyso xukunka maxkamadaha caalamiga ah. Sida muuqata, waxay bilowday carqaladeenta garsoorka, iyadoo far ku fiiqeyso Guddoomiyaha Maxkamada Garsoore Cabdulqaawi Axmed Yusuf (Youtube – May 2019).

Maxkamadda ICJ waxaa fadhiya 15 garsoore oo caalamka looga soo doortay si waafaqsan Qodobbada 2 iyo 15 ee Xeerka ICJ. Haddii dal [Kenya] uu hor yimaad maxkamadda, isagoo garsoore matala ku lahayn majliska, dalkaas waxaa loo ogol yahay inuu si degdeg ah u soo magacowdo garsoore matela inta dacwada ay socoto (Qodobka 35 iyo 37 ee xeerka), kaas oo leh awood la mid ah kuwa joogtada ah.

Ilaa hadda, Nairobi waxba kama qaban cabashooyinkii Muqdisho. Soomaaliya waxay madax-banaanideeda ku ilaalsaneysaa nabad iyo diblomaasiyad, waana taas waxa ay ugu cabatay cadaaladda caalamka, mantana kaga fogaaneyso, ficil iyo qoolba wixii laga yaabo inuu wax u dhimmi karo deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka gaareyso go’aan kama dambeys ah.

Ma qarsoona in dowladda Kenya qorsheysatay xeeladdo kala duwan, waxaase la yaab leh in shaqsiyaad Soomaaliyeed ay u adeegsaneyso hagardaamada dalkooda. Falsafi Fransiis ah – Roger Garaudy, ayaa hore u sheegay in cadawgaaga oo laysku jibiyo yahay “dagaal qiimaha jaban – Zero Cost warfare.”

Kenya waxay ka shaxeysaa inay Soomaali isku jibiso, iyadoo ka faa’iideysaneysa seddax arrimood: (1) khilaafka awood qaybsiga siyaasadda; (2) qaranimo xumadda siyasadda qabyaaladda; iyo (3) adeegsiga jawaasista iyo khaa’inu wadanka.

Falanqaynta warbaahinta Kenya, waxay muujinayaan in aqliga awood sheegashada madaxda Kenya ay si weyn uga falcelinayaan go’aan kasto oo lid ku ah, taasoo suurogal ka dhigeyso inay sii jiidanto khilaafka labada dhinac.

Shacabka Soomaalida waxaa u muuqda, in Kenya ay raadineyso sidii xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi looga badbaadin kari lahaa inuu sii burburo. Waloo la arki doono wixii dhab ah, haddana waxaa Kenya hor yaal seddax istikhyaar (khiyaar): (1) Inay faragelinta siyaasadda guddaha Soomaaliya faraha kala baxdo; (2) Inay xiriirka labada dhinac dib ugu soo celiso halkii uu joogay January 2019kii; iyo (1) Inay ku qanacdo xukunka maxkamadda ICJ, hadba dhinaca uu u dhaco.

Inkastoo aysan habooneyn in laga hor dhaco xukunka maxkamadda, haddana khilaafyada aan la xallin wax faa’iido ah uma laha gobolka. Soomaaliya iyo Kenya waxay wadaagaan cabsi amni iyo rejo mustaqbal. Taas waxay macnaheedu tahay, hagaajinta xiriirku wuxuu gacan ka geysan karaa xallinta dhibaatooyinka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dhaqan-bulshadda labada dal ee deriska ah.

W/Q: Cabdulqadir Cariif Qaasim

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid