Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis oo ka hadlay shir-weynaha lagu dhawaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryooni Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa ka hadlay shir uu dhawaan ku dhawaaqay Boqor Buurmadow oo kamida Madax-dhaqameedka reer Somaliland.

Suldaan Maxamed ayaa sheegay in shirkaasi ay qabsanayaan beeshooda iyo beesha bariga Burco, kaasi oo ka dhawaajiyey in uu Boqor Burmadow keligii uusan wadani abaabulka shirkaasi.

Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaasi uu soo jeediyey Suldaan Maxamuud Guuleed, ayna ka aqbaleen oo ay ku jiraan qaban-qaabadiisa, wuxuuna yiri

“Shirkaasu waxa uu ka dhashay bishii todobaad ee sanadkii 2018-ka maalintii loo anbabaxayay nabadaynta Ceel-afweyn rag badan oo labada beelood ah oo aad u tiro badan oo madax dhaqameed ah iyo siyaasiyiin iyo cid walba leh ayaanu ku kulanay hudheelka la yidhaahdo Ambasador Suldaan Maxamuud Guuleed alle khayr ha siiyee oo ka soo jeeda beesha Habar-jeclo ayaa soo jeediyay”.

“Beesha Garxajis ilaa 120 rag ah ayaanu halkaas ku joognay waanuna soo dhawaynay, waana ka mahadcelinay, waxaanay odayga iyo ragii la socday ay yidhaadeen gogashaana anaga ayaa dhignay aad ayaanu u aqbalnay, sidaas ayuu shirkani ku dhashay, mana aha mid Buurmadow ku dhashay mana aha mid cid lagu xumaynaayo toona, maaha mid cidna lagu soo dhawaynaayo cidna lagu fogaynaayo”

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanuna rajaynaynaa inuu midho wanaagsan uu dhalo oo umadda isu soo dhaweeyo shirkaasi, laguna walaaloobo guud ahaanba uu dalka wada gaadho, intaan shirka jaraa’id u qabtayna waa madmadowga shirkaas soo galay aadna qolada gogosha dhigtay waanu ugu mahad celinaynaa, waanuna u diyaar garoobaynaa oo gudidii nooga qaybgali lahaydna waan ku jirnaa xulidooda.Waxaanu rajaynaynaa bishan shuwaal dhamaadkeeda inuu shirkaasi bilaabmo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com