Shacabka Xamar oo wada tallaabo looga jawaabayo xaquuqda la siiyay gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha aqalka sare ayey si diria usoo dhoweeyeen shacabka gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa ku dhaqan.

Durba waxaa bilowday abaabulka qorshe lagu dhigaayo bannaanbax nabadeed oo lagu soo dhoweynaayo go’aanka baarlamaanka Somalia uu ka gaaray xaquuqda ay ku yeelaneyso gobolka Banaadir aqalka sare ee baarlamaanka.

Dibadbaxaan ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ilaa hadda la isku raacin maalinta uu qabsoomi doono dibadbaxaan.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka ayaa waxaa ku nool dad ka badan Laba Milyan iyo bar, waana magaalada ugu weyn ee dhul Soomaaliyeed.