Kharashka mid kasta ku baxaya labada hab doorasho ee shalay lasoo bandhigay

 Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa warbixintii ay ka hor jeedisay golaha shacabka waxay ku soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka ka dhici karta, kuwaas oo mid kasta uu guddiga doorashooyinku u baahanayo waqti kordhin, sidoo kale kharashaadka mid kasta ku baxaya ayey kusoo bandhigtay warbixina.

Labada nooc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay waqtiga iyo kharashka ugu badan, waxaana nooca koowaad ee loo yaqaano ‘Biometrika’.

Hadii la qaadanayo kaas Xaliimo Yarey waxay warbixinteeda ku sheegtay in guddiga doorashooyinku uu u baahanayo waqti kordhin ku siman 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka.

Sidoo kale waxay guddoomiye Xaliimo Yarey warbixintan ku soo bandhigtay kharashka ku baxaya doorashada hadii la qaato nooca koowaad ee ‘Biometrika’ waxaana miisaanayadaas laga reebay tan ku baxeysa sugidda amniga doorashooyinka.

Wadarta miisaaniyadda diiwaan gelinta codbixiyaha oo lagu daray waqtiga codbixinta:

Kharashka ku baxaya doorashada nooca ‘Biometrika’ sida lagu xusay warbixinta guddiga doorashooyinka guud ahaan waa $69,670,725. Waxuuna guddigu soo bandhigay meelaha ay ku kala baxeyso lacagtaas.

$4,122,600 ee ugu horeysa oo ah 6% kharashkaas ayaa ku baxaysa, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada).

$21,089,210 oo ah 30% kharashka kor ku xusan ayaa ku baxeysa, (Diiwaangelinta codbixiyaha).

$18,971,210 oo ah 27% ayaa ku baxeysa (Codbixinta).

$10,511,488 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa, (Taageerida xisbiga/Musharaxa; Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada).

$14,976,217 oo ah kharashka ugu badan ee halmeel ku baxaya ayaa 21% ka ah wadarta guud ee miisaaniyadda ku baxeysa doorashada nooca koowaad ah, waxaana loo isticmaalayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasustay qabashada doorasooyinka).

100% wadarta guud ee lacagta ku baxaysa doorashada nooca koowaad ee uu soo bandhigay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waa $69,670,725. Waana nooca loo qayaan ‘Biometrika.’

Nooca labaad

Waxaa jira nooc doorasho oo labaad, taas oo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliima Yarey ay sheegtay inay ka waqti iyo kharashba yar tahay tan koowaad ee aan idiin soo bandhignay waqtiga iyo kharashka ku baxayaba.

Noocaas labaas hadii dalku qaato { Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta } si loo hir-geliyo waxay sheegtay in guddigeedu uu u baahanayo waqti dhan 9-ka bilood iyo kharash dhan $46,192,389.

$2,714,800  waa 6% kharashkaas, waana lacagta ugu yar ee hal meel ku baxaysa, waxaana loo adeegsanayaan sida ku cad warbixinta, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada).

$7,012,518 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa (Taageerida xisbiga/Musharaxa. Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada).

$10,736,111oo ah 23% lacagta guud ee ku baxaysa doorashadaas ayaa loo adeegsanayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasusay doorasooyinka).

$25,728,960 oo ah kharashka ugu badan ee hal meel ku baxaya waa 56% tirada guud ee lacagta kor ku xusan waxayna ku baxeysaa, (Diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo codbixinta).