Shaki ka dhashay qorshaha Qatar ugu yeertay Farmaajo – Ma loo soo dayrin doonaa?

Doha (Caasimada Online) – Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Qatar ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay gaaray magaalada Doha.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo amiirka dalkaas Tamim bin Hamad Al Thani , ayada oo la sheegay ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya, sida laga soo xigtay Villa Somalia.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo doorka Qatar ay ka qaadan karto.

Inkasta oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo inay mar kale taageerto, haddana Caasimada Online ayaa fahansan in taageero Qatar ay siiso Farmaajo 2022 aysan aheyn arrin huban, ayna xitaa suurta-gal tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.

Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay Caasimada Online ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeeray ay tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.

Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin doono taageero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar aysan haysan musharax ka rajo wanaagsan Farmaajo, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farmaajo uu shan sano ugu ahaa adeege edban.

Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in Qatar aysan 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababtoo ah, bay yiraahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababtoo ah heerka uu gaarsiiyay is-naceybka umadda shantii sano ee uu xilka hayey. 

Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay, bay yiraahdeen, in beelaha Muqdisho ee awoodda badan aysan aqbli doonin afar sano oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku sameeyeyn shantii sano ee lasoo dhaafay.

Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay yiraahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in xildhibaanada ay codkooda siiyaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in Qatar ay sanadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay “Qorshaha B,” balse ay suurta-gal tahay inuu yahay “Qorshaha A.”

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si horey loogu dhaqaajiyo dimoqraadiyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey santii sano ee lasoo dhaafay.

Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyadda Soomaaliya.