Farmaajo oo bedelay magacii saxda ee “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu iska tuuray magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” isaga oo la yimid mid kale.

Farmaajo oo shalay u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ma cadda sababta Farmaajo u doortay inuu adeegsado magac aan aheyn midka ku qoran dastuurkii lagu doortay, hase yeeshee dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa duruba ku macneeyey inay qeyb ka tahay dagaalka uu kula jiro nidaamka federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la ogyahay inuu aad u neceb yahay federaalka, isaga oo aaminsan dowladda dhexe oo awood badan oo xukunka dalka oo idil gacanta ku haysa, heer tuulo illaa heer gobol, halka federaalka uu awood badan siinayo maamul goboleedyada.

Shantii sano ee uu Farmaajo xilka hayey, wuxuu dagaal xooggan la galay maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku guuleystay inuu saddex ka mid ah oo kala ah; Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle gaysto madaxweyne goboleedyada isaga ka amar qaata, isaga oo sidoo kale ku guuldarreystay inuu tuuro madaxweynaha Jubaland.

Villa Somalia weli kama aysan hadal haddii arrintan ay tahay ku talo-gal ama khalad dhacay, inkasta oo ay u muuqato mid ku talo-gal ah, maadaama lagu qoray saddex luuqad oo kala ah Soomaali, English iyo Carabi.