Shaki weyn oo laga muujiyay safarka Xamza ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Shaki xoogan iyo walaac ayaa ka dhashay safar uu maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo noqday safarkii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Haddaba qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalay baraha bulshada ayaa walaac xoogan ka muujiyay booqashadan, waxayna sheegeen inay la xiriirro saxiixa heshiis qaad oo lala galayo Kenya.

Shacabka ayaa si wayn arrintan shaki uga muujiyay, waxayna sheegeen in qaadka Kenya uu faa’iido u lahayn Soomaaliya, halka ay dhiggeeda Kenya ka sameyso lacag aad u badan.

Ismaaciil Maxamed ayaa waxa uu yiri “Heshiis Qaad keenis miyuu saxiixaa? Ileen meshaas faa’iido kale kuma qabnee.”

Farxaan Kulmiye ayaa isna waxa uu yiri “Xiriirkee? Soo tii Xasan hadda ka yimid?, mise Axmed Madoobe iyo adiga ayaa la idiin kala gar qaadaa?.”

Baashi Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Qaad iyo Sun lee noo soo saxiixeesaa maxaad dan ah oo ummadda Soomaaliyeed usoo kordhineysid ma jirto?.”

“Shaqada u horayso ee laguu diro dalka dibaddiisa ma saxiixa qaadku noqday?,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo kamid ah shacabka shakiga xoogan ka muujiyay socdaalka ra’iisul wasaare Xamza ee dalka Kenya.

Farxaan Cumar Shariif: “War hoy waxa uu ra’iisul wasaaruhu uu aaday shacabka u sheega xariir labo dal ka dhaxeeya uma uusan aadine maxaad horta beenta noogu sheegtaan?.”

Sakariye Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Safar Salaama Raysal-Wasaare waxaan kaa codsanayaa in aadan Qaadka ka dhigin ganacsi Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya.”