Xasan iyo Xamza oo laga dalbaday inay ka xishoodan arrin yaab leh oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaylo dhaantii ka dhalatay arrinta dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya ayaa waxaa soo kordhaya baaqyada iyo dalabaadka loo dirayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, si wax looga qabto arrintaas iyo guud ahaan ‘adhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho.

Senataro Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay horay uga digeen dhul boobkan oo ay sheegtay inuu kusoo aaday kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Maryan oo ka hadashay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa sheegtay in xaaladdan oo kale ay horay uga taagnayd qabuuraha Macallin Nuur, sidaas daraadeedna ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbaneyso in laga xishood qabuuraha.

“Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey” ayay tiri Senator Maryan Faarah Kaahiye oo qoraal dheer soo saartay.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA

Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.

Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!

Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA & DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.