Sawirro: Sidee Xamza loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Musalia Mudavadi, wasiirka difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, wasiirka arrimaha dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka, amniga gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada, sida algi yiri qoraal uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maal-gashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la-dagaallanka Khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xamza oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sidoo kale wada-hadallo kula yeelan doono Nairobi.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.