Shan arrimood oo loo sii diyaariyey dadka ka qeyb-galaya dibad-baxa Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee baabulka banaan-bax ka dhanka ah dowladda federaalka, kaas oo ay ku dhowaaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn looga hadal hayaa dibad-baxan oo ku soo aadaya, xilli ay dowladda Soomaaliya mamnuucday isu imaatinka dadweynaha.

Sidoo kale si uu u dhaco dibad-baxa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow xarunta Villla Somalia, sidoo kalena ku yaal agagaarka Daljirka Daahsoon.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ammaanka hotelka iyo nawaaxigiisa ay la wareegeen ciidamo milatari ah oo ilaalo u ah labadaasi musharrax.

Dhinaca kale guddiga qaban-qaabada banaan-baxa ayaa diyaariyey shan arrimood oo loogu tala-galay xakameynta Covid-19, si loogu qeybiyo dadweynaha.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxayaasha ay u diyaariyeen:- 1-10 kun oo “face masks” ah ama afxirasho oo loogu talo-galay dibadbaxayaasha, 2-Dhowr boqol oo “Hand Sanitizers” oo faraha lagu dhaqdo, oo dadka looga horkeenayo inta aaney tagin goobta, 3-Koox gargaar degdeg oo ku fiican xaaladaha degdegga ah!, 4-Ambulance lagu qaado dadka haddii ay wax dhacaan! iyo 5-Biyo dadka harraadsan ay cabaan.

Si kastaba xaaladda Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, iyada oo aad loo hadal hayo banaan-baxa mucaaradka.