Cabdi Xaashi: Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta hadal-siiyey warbaahinta ayaa ka warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirkii guddiga farsamada ee magaalada Baydhabo.

Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga soo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirkaas oo gogol xaar u ahaa midka ay isugu imaanayaan  dowladda &  dowlad goboleedyada.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in aysan jirin cid ku metashay shirkaasi gobollada waqooyi, wuxuuna xusay in uusan jirin heshiis rasmi ah, balse iyaga loo heshiiyey.

“Heshiiska shirkii Baydhabo anaga qeyb kama nihin, waa ayo cida noo heshiineysa wax aan qaadan karno ma ahan, aniga iyo Farmaajo waxaa isku diinahay Dastuurka,”

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland – dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su’aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo is-afgarad lagu gaaray shirkii Baydhabo, sida lagu sheegay war-murtiyeedkii kasoo baxay guddiga farsamada ee qaban qaabada shirka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.