Daawo: Prof. Samatar oo farriin culus u diray shacabka Muqdisho kahor dibad-baxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isaga oo uu garab taagan yahay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya wuxuu si adag uga hadlay xaaladda dalka.

Samatar ayaa marka hore soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-j\ka, dibad-baxa beri ka dhacaya Muqdisho iyo shirkii Baydhabo.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday dibad-baxa ay abaabulayaan xubnaha mucaaradka ee la filayo inuu qabsoomo beri oo Jimco ah, wuxuuna xusay inuu ku boorinayo banaan-baxaaasi reer Banaadir, isaga oo ku baaqay in lasii joogteeyo.

“Dadka reer Banaadir waxaan ku boorinayaa banaan-baxa dhacaya berri in la joogteeyo oo aanu noqon berri oo qura, waa inuu joogta noqdaa illaa ninka buurta fuushan iyo kuwa la shaqeysta uu caqliga uu soo noqdo,” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay qodobada kasoo baxay shirkii guddiga farsamada ee Baydhabo, isagoo tilmaamay in heshiiska lagu gaaray lagu dilmiyey gobollada waqooyi.

Prof. Samatar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabadaas ay wax u dhimeyso qaranimada & midnimada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay

“Shirka Baydhabo lama heshiin ee waa naloo heshiiyay hadaan nahay reer Waqooyi,waa iyadoo la kufsaday qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliyeed lana nijaaseeyay wixii umada isku keenay” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adaga oo kala guur ah, iyada sii xoogeystay khilaafka ka taagan hanaanka loo wajahayo doorashada dalka ee 2021-ka.