QM oo war cusub kasoo saartay is-mari-waaga ka taagan doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay walaaca ay ka qabto xaalada dalka, ayada oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashada, oo xiisad hor leh ka abuuray gudaha dalka.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta, Rosemary A. DiCarlo ayaa sheegtay ‘in lama huraan tahay’ ay tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro is-mari-waaga doorashada, midaasi oo wax u dhimi karta xasiloonida Soomaaliya.

Waxay carabka ku adkeysay in Soomaaliya oo dagaalo sakooye iyo xasilooni darro kasoo dabaalatay aan dib loogu celin, islamarkaana ay madaxda isku haya hanaanka doorashada ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka.

“Soomaalidu waxay waddo dheer u soo mareen xasilinta dalka iyo u dhigista dhabbaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad Doorashooyin loo dhan yahay waa lama huraan. Waxaan ka codsanayaa madaxda Soomaalida inay dib u bilaabaan wadahadalka waxaanan ku celinayaa taageerada buuxda ayay tiri,” Rosemary A. DiCarlo.

Sidoo kale waxay madaxda Soomaalida iyo saamileyda siyaasada ka codsatay inay dib u bilaaban wada-hadalada looga arrinsanayo doorashada, ayada oo balanqaaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la garab istaagsan tahay.

Hadalkan ayaa imanaya xili xaalada Soomaaliya laga muujinayo walaaca xoogan, islamarkaana uu meel xasaasiya marayo khilaafka ka taagan doorashada, waxaana socda dadaalo ay beesha caalamka ku rabto inay isugu soo dhaweyso dhinacyada.