Dowladda oo ciidan badan dhigtay Muqdisho, kahor dibad-baxa mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah dibad-baxa lagu wado inuu beri ka dhaco magaalada Muqdisho ka bilaabay qeybo ka mid ah caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo isugu jiro nabad-sugid iyo Boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad la dhigay waddooyinka soo gala taalada Daljirka Daahsoon oo loo qorsheeyey inuu beri ka dhaco isku soo baxa ay haatan abaabulayaan xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in wariyeyaal tegay goobta loo qorsheeyey dibad-baxa ay soo eryeen ciidamada ammaanka ee la geeyey halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay la wareegeen ammaanka hotelka SYL oo la sheegay in la ogaaday inay qolal ka kireysan rabeen qaar ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Ammaanka xarunta madaxtooyada oo iyana dhow Daljirka Daahsoon ayaa loo adkeeyey, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka gala dhismaha xurunta Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale musharraxiinta ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyey ee dibad-baxa, iyaga oo wacad ku maray inuu dhacayo beri oo Jimco ah, waxayna ay diyaariyeen agab loogu-talagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo loo qeybinayo dibad-baxayaasha.

Arrintaan ayaa sii kordhineyso walaaca laga qabo inuu iska hor imaad ka dhaco Muqdisho, islamarkaana ay isku dhacaan ciidamada dowladda iyo kuwa musharraxiinta.