Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo degay hotel Villa Somalia u dhow + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Maa’ido, Ex Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo u dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, waxaana isla goobtaas ku dhow bar-koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah dowladda, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in aysan ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.