Shan arrin oo maamulka SOMALILAND iyo taageerayaashooda lagula taliyey

Talooyin iyo caqli celin ku socota Siyaasiyiinta Somaliland iyo Taageerayaashooda

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somalinad ee ka arimiya gobolo ku yaallo Waqooyiga Soomaaliya, Sida Waqooyi Galbeed,Togdheer,Awdal iyo qeybo ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag.Dhismaha Maamulkani ayaa iska kaashaday Siyaasiyiintii hogaamineysay Jabhaddii SNM iyo qaar ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Awdal iyo Sanaag.

Siyaasiyiintii dhistay Maamulka Somaliland gaar ahaan Beesha Isaaq ayaa ku celceliya in dhibaato xoog leh loo geystay Beeshaasi, Sidaa daraadeedna ay go’aansadeen in ay go’aan Soomaaliya inteeda kale.Waxa ayna sheegeen in si xun loola dhaqmay dadka reer Waqooyiga ah, islamarkaana aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka maadaama midowgii uu u dhaxeeyey Labadii qeybood ee isutagay ee Koonfur iyo Waqooyi.

Doodda ay qabaan Walaalaheena reer Waqooyi, gaar ahaan Beesha Isaaq ee ah in ay dhibaato xoogan u geysatay Dowladdii Dhexe ee Militariga iyo in aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka midowgii ka dib, Ayaa ah arin ay qirsan yihiin Soomaali badan oo aan Anigu ka mid ahay,Waana sababta looga aamuso habdhaqanka foosha xun ee ay sameeyaan Maamulka Somaliland, Sida in ay dad ku xirxiraan Magaalooyinka ay maamulaan,Waxana tusaale loo soo qaadan karaa sidii ay ula dhaqmeen Waftigii ka socday Dowladda Federaalka ee transit-ka ku ahaa Madaarka Hargeysa.

Aamusnaanta ay Dowladda Federaalka ka aamusan tahay ficilada xun xun ee ay geystaan Maamulkan, ayaa fariin khaldan u dirtay Siyaasiyiinta taageersan Maamulkaas ilaa ay Maanta ku dhiiradeen in ay yiraahdaan waxaan qabsaneynaa dhammaan deegaanada loo yaqaanay Somaliland ee uu Ingriisku haystay.Isbalaarinta ay Wadaan Maamulka Hargaysa ayaa abuuri karta dhibaato aad u weyn hadaan Maanta laga hortagin.

Siyaasiyiinta reer Somaliland gaar ahaan kuwooda taageersan goonigoosadka, Ayaa ku eedeysanaa markii hore siyaasaddooda kala goynta dalka,Ayaa hadda waxa ay bilaabeen in ku duulaan deegaano aan laga taageersaneyn qadiyadda Somaliland, Iyagoo adeegsanayo kuwa colooshooda u shaqeystayaal ah oo ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Dhibaatada,caburinta iyo dhul balaarsiga ay sameynayaa Maamulka Somaliland, Ayaa mudaba soo jiitameysay,Iyagoo ka faa’iideysanayey Siyaasad xumida haysata Dowladda Federaalka waana sababta igu kaliftay inaan maqaalkan qore si aan u garab istaago dadka reer Sool iyo Sanaag ee ku mintidayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.Waxaana leeyahay ku mintida Midnimada iyo Wadajirka dalkan sidaad Shalayba ugu mintideen la dagaalankii Gumeystaha.

Maamulka Somaliland iyo taageerayaashiisa ayaa sameynaya Maanta wixii ay Shalay ka cabanayeen ee ahaa dulmi,caburin iyo layn dad aan danbi lahayn,Hadaba sideebay suurtagal u tahay in aad sameyso wixii aad Adiguba Shalay ka cabaneysay.Maamulka Siilaanyo ayaa ka faa’iideysanayo karti xumida haysata Xasan Sheekh, waana sabab ay ugu duulayaan deegaano aan laga taageersaneyn gooni-isutaagga Somalind si ay u qabsadaan dhul ballaaran inta aan la gaarin 2016.

Waxaa runtii wax lala yaabo ah in aysan ka hadlin Culimada ku nool deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland dhibaatadu uu gaysanayo Maamulkan uu hogaamiyo Oday Siilaanyo,Waxaana loo qaadanayaa aamuskooda in ay raali ka yihiin dulmiga iyo gardarada uu sameynayo Maamulka mar hadaysan ka hadlin dulmigaasi,Waana Masuuliyad ay dayaceen Culimadaasi haddii Rabbi yiraahdana lagula xisaabtami doono.

Waxaa Iyadana wax laga xumaado ah, in aysan Dowladda Federaalka uga hadlin sidii la rabay faragelinta iyo duulaanka uu Maamulka Siilaanyo ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag ee aaminsan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka Soomaaliya.Waxaanse yaableh waxa looga hadli la’yahay gardarada ay wadaan kuwa kala dhantaalayo Midnimada iyo Wadajirka Wadanka mase jirtaa qadiyadd ka muhiimsan Midnimada Wadanka ?.

Waxaa Iyadana aan aad ula yaabay, Sida ay uga aamuseen Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Maamulada ka jira dalka sida Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Maamulka Jubba khudbaddii uu Siilaanyo ka jeedieyey Shirkii Xisbiga Kulmiyo, taas oo uu kaga hadlay Midnimada dalka,Waxa uuna Axamed Siilaanyo hoosta ka xariiqay in aysan dib danbe ula midoobeynin Soomaaliya inteeda kale.Anigu waxa aan garan la’ahay waxa ay u taagan yihiin Maamul goboleedyadan iyo waxa loo dhisay mar hadaysan ka hadlaynin waxyaabaha ka dhacayo dalka.

Guud ahaan dadka ku nool gobolada ay maamulaan Maamulka Somaliland, gaar ahaan dadka reer Awdal,Sool iyo Sanaag waa inay ku mintidaan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka, waayo waa masuuliyad waajib ku ah qof kasta oo Wadani ah.Waxaan leeyahay reer Khaatumo inkasta oo aad ku jirtaan marxalad adag oo ay dhinacyada idinka saaran yihiin Labo Maamul oo qatar ku ah Soomaaliweyn iyo himaladeeda,hadana hiddo iyo dhaqan baad u leedihiin difaaca Soomaalinimada iyo wadajirkeeda insha alaahu taariikhduna wey idin xusi doontaa siday Shalayba u xustay Daraawiish iyo dadkii taageerayba.

Taariikhdu ma xusto mana qorto jaajuus iyo dabadhilif intuba,Waxaana tusaale noogu filan Daraawiish iyo dadkii taageeray,Kuwaas oo Maanta lagu daraaseeyo wanaagoodii goobaha Waxbarshada, halka aan marna magacooda la xusin kuwii u shaqeyn jiray Gumeystaha ee Umadda lugoyn jiray,Waxaa tusaale Labaad ah dadkii u soo halgamay Xornimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed sida SYL oo kale.

Midnimada iyo Wadajirka Wadanku waa furaha xaqiijinta aragtida Soomaaliweyn,kuwa Maanta ku doodayo waan go’aynaa waxaan leeyahay dadku habeenkibay riyoodaan laakiin adinku dharaar cad baan riyo ku jirtaan,Wadahadalada u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland waxaa looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada ay qabaan Walaalaheena reer Isaaq ee wax ka tabanayo Dowladdihii la soo maray.Gunaanudkii waxaan leeyahay Siyaasiyiinta reer Somaliland waqtiga yuusan idiin kaga lumin wax aan la gaareynin.

Gaba gabadii waxaan soo jeedinaya talooyinkan hoos ku qoran oo aan isleeyahay waa wax ku ool

1-Waxaan u soo jeedinayaa Culimada ku hoos nool Maamulka Somaliland in ay u sheegaan Siyaasiyiinta reer Somaliland qiimaha ay u midnimadu u leedahay Umadda Soomaaliyeed,Islamarkaana ay uga digaan Maamulka cawaaqibta ka dhalan karta gardarada iyo duulaanka uu ku hayo deeganada Khaatumo.

2-In ay qaataan Cuqaasha iyo Salaadiinta reer Somaliland doorkooda ku aadan Umadda Soomaaliyeed ee cadowgu dhinac kastaaba ka cunayo islamarkaana ay ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

3-In ay joojiyaan Maamulka Somaliland gardarada iyo dulmiga uu ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda kala goynta dalka gaar ahaan dadka ku nool gobolada Awdal,Sool iyo Sanaag.

4-In ay joojiyaan Siyaasiyiinta reer Somaliland jahawareerinta ay ku hayaan jiilasha soo koroyo ee ay ku beerayaan naceybka iyo colaadda dadkooda, islamarkaana ay ka tanaasulaan gooni-isutaagga iyo kala qeybinta dalka.

5-In ay Siyaasiyiintu reer Somaliland ogolaadaan in ay Somalidu si dhab ah u wadahadasho islamarkaana la dhiso dowlad dhexe oo xoog leh oo ku taagan shuruuc adag.
W/Q:Abdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid