Axmed Siilaanyo oo isku shaandheen ku sameyay wasiiradiisa kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) Digreerto xaley saqdii dhexe ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu sameeyay isku shaandheen kooban.

Haddaba xafiiska Caasimada Online ee Hargeysa ayaa heshay nuqul ka mid ah digreetada ka xoo baxday xafiiska madaxweyne Siilaanyo waxaan

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu La Tashaday:           Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:              In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1.      In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu

ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

2.      In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

3.      In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

4.      In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

5.      In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.