Puntland: Sarkaal ka badbaaday dil

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta oo ka dhacay qarax miino oo la doonayay in lagu khaarijiyo sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

Qaraxa ayaa ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in lala damacsanaa taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Shire Dool.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xilliga uu qaraxa dhacayay uusan taliyaha la socon gaariga.

Ciidanka booliska ee maamulka Puntland oo qaraxa kaddib tagay goobta ayaa gacanta ku soo dhigay dad aan tiradooda la sheegin oo lagu tuhmayo qaraxa.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo taliska ciidanka booliska oo ku aadan qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com