Shanta xilal ee ugu sarreysa maamulka HirShabeelle iyo BEELAHA isku haysta

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo haatan uu ka socdo dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaa laga dareemayaa hardanka ay beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ugu jiraan hanashada jagooyinka sare ee maamulka cusub.

Toddoba musharax oo u taagan qabashada xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta la diiwaan geliyey, waxayna doorashada guddoonka baaramaanka dhaceysa laba maalin kadib.

Hadaba sidey beeluhu ugu loolamayaan shanta jago ee ugu sareysa maamulka?

1 –Xilka Madaxweynaha: Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa loolan adag ugu jira xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, afartii sano ee lasoo dhaafay madaxwenaha HirShabeelle waxa aheyd beesha Xawaadle, balse hadda waxaa kula loolameysa beesha Abgaal.

2 –Xilka Madaxweyne ku xigeenka: Sidoo kale beelaha Abgaal iyo Xawaadle waxaa dhex yaalla xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka HirSahbeelle, waxaana qaadan doonta beesha looga guuleysto madaxweynaha.

3 –Seddax ka mid ah  7-da musharax ee maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gaaljecel.

4 –Laba musharax waxay u taagantahay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gugundhabe.

5 –Labada kale ee musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo kala jeedaan beelaha Udeejeen iyo reer Ow-Xasan.

Waxaa xusid mudan inay jiraan beelo kale oo aan ku xusneyn loolankaan, isla markaana aan ka soo dhex muuqan, waxaana ka mid ah beesha Jareer-weyne.

Odayaasha iyo waxgaradka beeshaas waxay qabaan in markii la aas-aasaayey HirShabeelle afar sano ka hor aan lasiin jagooyinkii ay mudnaayeen, sidoo kale waxay marar badan sheegeen in dowladda dhexe aysan ku heysan mansabkii ay mudnaayeen.