Diyaarad uu la socday Qoor Qoor oo weerar lagu qaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weeraray diyaarad uu galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ka soo raacay magaalada Dhuusamareeb.

Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa sideed xabadood oo laga riday qoriga loo yaqaano Suuga ay Al-Shabaab ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay.

Xubnaha aan soo xiganeyno oo naga dalbaday inaanaa adeegsan magacyadooda ayaa noo sheegay in shaqaalada hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda.

“Hubkii lagu soo riday diyaaradda oo naguula sheegay sideed xabadood waa lala waayey Alle ayaa mahadleh, duuliyaha waxaa lagu wargeliyey inuu jiha kale u weecdo, khal-khal badan ayaan dareenay, balse hada waxaan si nabad ah ku imaanay Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii madaxweyne Qoor Qoor Dhuusamareeb ka soo raacay oo Caasimada Online u waramay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb.

Xilliga diyaaradda la weeraray waa 5:30am oo galabnimo, waxuuna Madaxweyne Qoor Qoor caawa ku suganyahay magaalada Muqdisho oo safarkiisu uu ku wajahnaa.

Wixii ka dambeeyey markii Ahlu-Sunna looga taag roonaaday Galmudug, waxaa caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb ku soo dhawaaday Al-Shabaab, waxayna xilliyada habeenkii ah duqeeyaan garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa si cabsi ah lagu maraa wadada u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Gurceel oo dhowr habeen lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gaadiidka boonadooda canshuurta u jaraya.

Seddax maalin ka hor inta u dhaxeysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb waxaa lagu qarxiyey gaari weyn oo kuwa ciidanka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee milateriga Soomaaliya.

Illaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Galmudug oo ka hadlay amni darada ka soo cusboonaatay deegaanada ku xeeran magaalada Dhuusamareeb oo Al-Shabaab badan ay gudaha u soo galeen, mana jirto wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo hadda socda.