Wasiirka Warfaafinta DF oo si yaab leh ugu jawaabay dalabkii Faysal Cali Waraabe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa jawaab kulul ka bixiyey jeedin uu shalay sameeyay guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe, xili uu shir uga qeyb-galay magaalada Nairobi.

Guddoomiye Faysal ayaa shir ay yeeshen beelaha Dir ka sheegay in beeshu ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75-kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle, balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro.

Hadal jeedintaasi ayuu wasiirka cusub ee warfaafinta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan kasoo bixin shaqsigii ku munaasabsanaa, maadama uu si dadban Faysal Cali Waraabe ugu sifeeyay shaqsi umadda Soomaaliyed ku kala irdheeyay xumaan iyo cuqdad, sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inay caadi tahay in shir beeleed ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaal, balse ay nasiib darro tahay inay shirkaasi kasoo muuqdaan siyaasiyiin uu sheegay inay 30 sanno hortaagnayeen midnmada Soomaalida.

Wuxuuna shaqsiyaad uusan carabaabin oo uu kamid yahay Faysal Cali Waraabe ku sifeeyay inay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan ‘sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay mudada 30-ka sano ah caayayeen’.

“Dad badan baa isoo weydiiyey shir ka dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la fahmi karo in dhaqan ahaan Beeluhu u shiraan, Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano” ayuu yiri Wasiir Cismaan.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin”.

Si kastaba, hadalka Cismaan ayaa imanaya xili shirkaasi laga soo saaray war-saxaafadeed lagu dalbanayay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan-yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada.