Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa hubka fudfudud oo la socday gaari nooca raaxada ah, ayaa waxa ay goor dhow magaalada Muqdisho ku toogteen Afar shaqaale oo ka tirsanaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Afarta ruux ee la dilay ayaa la sheegayaa inay la socdeen gaari nooca raaxada ah, waxa ayna xiliga la dilaayay ay kasoo baxeen garoonka.
Dilka afarta ruux ayaa waxa uu ka dhacay Iridka hore ee Hotel Nasa hablood gaar ahaan qeybtiisa Lamber afar.
Dilka shaqaalahaasi ka howlgalaayay garoonka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada DF Somalia oo halkaasi ka qaaday Meydadka.
Dhanka kale, dilka afartaani ruux ayaa kusoo aadayo xili dhawaan Magaalada Muqdisho lagu dilay Taliye ka shaqeyn jiray waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DF.
Akhriso magacyada Afarta ruux ee la dilay iyo Shaqooyinka ay hayeen:
1- Abuukar Cadaani (Agaasimaha Gaadiidka Hawada)
2- Maxamed Axmed Haaruun (Maareeyaha Maaxidda Hawada)
3- Xuseen Hilowle Cadaan (Darawal)
4- Maxamed Kediye Jimcaale (Madaxa Maamulka)
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]