28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Shaqooyinkii VILLA SOMALIA oo hakat u galay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dhaliilo loo jeedinaayo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhaliisha maanta ka socta Villa Somalia ay tahay in Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa dalka ay xiligaani yihiin kuwa ka maqan dalka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa shir uga qeybgalaaya magaalada Istanbuul ee cariga dalka Turkiga, halka Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu isna ku sugan yahay magaalada Qahir ee xarunta dalka Masar.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in iminka howlihii ka socday Villa Somalia ay hakat ku jiraan iyada oo aysan jirin cid fududeyneysa howlaha Mas’uuliyiinta labada Gole ee dalka uga xirnaa Madaxtooyada Somalia.

Maqnaanshiyaha 3 Seddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ayaa gaf cad ku ah nidaamka Dowlada, waxa ayna taasi muujineysaa in mas’uul waliba uu eeganaayo danahiisa gaarka.

Ma cadda sababta ka danbeysay in Seddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ay mar qura wada safraan, iyada oo taasi ay keentay in hakat uu ku imaado howlaha Villa Somalia ka socon jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News