Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaanan ka qeyb galin shirka maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, shirkaasi oo ay daah fureen maanta madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweynaha Puntland Mr Gaas, ayaa si jeesjees ah ugu duulay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isaga oo sheegay in qaraabo salaam u aaday dalka Mareykanka.
Gaas, oo wareysi siiyay mid kamid ah wargeyska dalka Ethiopia ayaa sheegay in shirka magaalada Istanbul uusan aheyn mid dani ugu jirto Puntland.
C.welli Gaas ayaa ku sugnaa dalka Ethiopia, iyadoo dhegta wax loogu sheegay, waxaana horey u diidanaa natiijada shirkii ka dhacay Muqdisho ee lagu shaaciyay doorashada Soomaaliya nooca ay noqoneyso.
Shirka ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa looga hadlayaa amaanka, siyaasada iyo kaalinta dowlada Turkiga ay ku yeelaneyso siyaasada dalka Soomaaliya.
Waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha Jubbanland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilo matalaya Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

