Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan madaxda DFS ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ay kulan gaar ah la qaaten Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka kulanka uu ahaa mid ay labadaasi mas’uul su’aalo ku weydiinayaan Danjire Sambaloolshe, taasi oo la xiriirta Fiisihii lasiiyay ninkii isku qarxiyay Diyaarada Daallo oo lagu magacaabi jiray Abdullahi Abdisalam Borleh.
Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa ay sidoo kale weydiiyen waxa uu Sambaloolshe ka ogyahay warqadaha ay Dowlada Turkiga soo bandhigtay ee muujinaaya in maamulka Safaarada ay Abdullahi Abdisalam Borleh Fiiso dal ku gal ah u weydiyeen Safaarada ay Turkida ku leedahay magaalada Muqdisho.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in mudada uu kulanka socday uu Ra’isul wasaare Sharmaarke usoo bandhigay Danjire Sambaloolshe warqado ay ka heleen Safaarada Turkiga ee Muqdisho.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in marnaba aan la cafin doonin cid waliba oo ka tirsan Safaarada Soomaalida oo fududeyso talaabo lagu carqaladeynaayo amaanka Somalia ama Turkiga, waxa uuna Xassan si cad u mamnuucay in Maamulka Safaarada uusan dalbi karin Fiiso danbe oo aan loo rabin diblumaasi la hubo waxa uu yahay.
Sidoo kale, waxaa mudada uu socday kulanka leysla soo qaaday suuragalnimada saameynta ay diblumaasiyiinta Safaarada ku yeelankarto isbedelo lagu sameeyo maamulka, islamarkaana lasoo magacaabo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyn
e Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar waxa ay sidoo kale, maamulka Safaarada u cadeeyen inuu jiri doono isbedel lagu magacaabaayo Safiiro cusub laguna bedelaayo kuwa hadda DF uga howlgala caalamka.
Si dhab ah uma cadda go’aanka ay mas’uuliyiintaasi gaaren mudada uu socday kulanka, waxaase lasoo warinayaa in Xassan iyo Sharmaarke aysan waxba u reeban Danjire Sambaloolshe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

