Sharafta iyo sumcadda Somalia oo ku xiran bixinta mushaharka ciidamada

Umadaha dunida saaran ee kala duwan midab, diin iyo dhaqan ahaan intaba, waxaa mid kastaa gaarkiisa u heysata mushkilad aan marnaba ula mid ahayn mushaakilka kale ee nolosha kasoo foodsaara.

Hadba wixii ay la nool yihiin ayaa inta ugu badan uu afkooda soo xadaa marka la xaal wareysto. Soomaalidu asal ahaan waxay dhaqan u leedahay inay isku bariidiso ‘nabad ma jiraa?’. Dabcanna jawaabta aan is-beddelka lahayn oo ay hadiyo jeer ku celceliyaan waxay tahay ‘xaalku waa Bariga Dhexe’ oo ay ula jeedaan mana sugnaan iyo kob lagu saleyn karo.

Saha nolosha geeddi-socodkeennu soo maray wali la isma weydiinin haddii sida aan Bariga Dhexe uga dhigano tusaale ay dunida kalana ay nooga dhigtaan. Dhawaan waxaa qaamuuska Merriam Webster uu  si rasmi ah  loogu daray ereyga ‘Somalization’ oo micno ahaan loola jeedi karo ‘wax yeeshay muuqaal, ama dabeecad ama dhaqan lagu yaqaan Soomaalida yeeshay’ – iyada oo isla markaana ereyga laga eegayo dhinaca taban ama sirgaxan.

Inta badan marka ay qaraxyadu dhacaan ama dagaal culus uu dhex maro dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, waxaa aalaaba loo fishaa inay ahayd mid waligeedba soo jirtay oo aan laga baaqsan Karin dhicitaankeeda.

Hayeeshe, xaqiiqadu mararka qaar uma soo if baxdo sida loogu baahan yahay isla jeerkaas. Haddana, waxaa jirta in qarax walba oo dhaca – kasokow xubnaha qoysaskeenna ee ku baxaya ama ku dhaawacma dhacdooyinka – haddana, marwalba aan la moogaan Karin in muuqaal aan la jecleysanin ay naga gudbinayaan dad ahaan ku nool dal ay dunidu ku sifeyso dagaalladu googooyeen.

Dowladihii KMG ahaa iyo middii dhaweyd  si gaar ah ee MD Xasan waxay laheyd lix tiirar oo aas-aas u ahaa wax-qabadkeeda. Amniguna wuxuu u lahaa mudnaan sarreysa. Laakiin waxaa hadiyo jeer kala duwan mudnaanta shey loo muujiyo iyo maal-gelin dhab ah oo lagu jaado hir-gelintiisa.

Waxaa muuqata in dowladda maanta ay sida kuwii hore ay si xeeldheer uga hadasho wax ka qabashada amniga, haddana aanay ku bixin ka go’naanshihii dhabta ahaa ee lagula dagaalami lahaa falalka liddiga ku ah nabad-galyada.

Maalin walba oo qarax hor leh iyo weerraro kala duwan oo amnigeenna gudaha wax u dhimaya ay dhacaan, waxaa sidoo kale lumaysa sumcadda iyo sharafka aan ku leennahay caalamka. Waxayna shucuubta dunida saaran ay tusaale nool ka dhigan doonaan marka ay rabaan inay sifeeyaan waxa la yiraahdo qalalaaso iyo fowdo – iyaga oo adeegsanaya ereyga ‘somalization’.

Eed badan kuma lahan mas’uulka maanta haya talada dalka inuu sidii loo baahnaa uga soo baxo sugidda amniga qarank, haddana waxaa lama huraan ah inay habeen iyo dharaarba lagu raad-joogo asbaabaha sii xoojinaya amniga lagana bixiyo fal-celin maaddi ah.

Waana hubsashada in bixinta mushaharka ciidamada loo dhammeystiro askariga baqoolka cadceedda uga wirwiraya sugidda amniga qaranka. Markaas ayaa la heli karaa in – innaga oo midaysan – aan wadajir uga soo horjeedsano sumadda qaldan ee nalagu gaar yeelay.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid