Shacabka Soomaaliyeed oo baafinaya qorshe ay DF horey usoo bandhigtay

Muqdisho (Caasimada Online) ― Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore usoo bandhigtay qorshe looga jawaabayo cabashooyinka dadweynaha, qorshahan oo ahaa sanduuqyo loogu talagalay inay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir loogana jaawaabi doono cid walbo.
Qorshahan Sanduuqa Cabashada ayaa waxa la daah-furay 14-kii bishii November ee sanadkii 2017-ka, taasi oo la sheegay in Todobaad kasta warbaahinta loo soo bandhigi doono Cabashada dadweynuhu kusoo ridaan sanduuqyadaas.
Sanduuqyadan ayaa waxaa la dhigay Gobolka Banaadir, jaamacadda ummadda, taliska ciidanka maxkamadda, iyo meelo kale oo loo arkayey inay muuhiim yihiin.
Haddaba su’aasha ay isweydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah xagee ayuu ku dambeeyey Sanduuqii Cabashada Dadweynuhu? Maxaase lo soo bandhigi waayey cabashooyinkii lagu ridey Sanduuqyadaas?.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay khaati ka taaganyihiin barnaamijyada iyo qorshayaasha iidhehda ah ee markasta xukuumada Soomaaliya usoo bandhigto, iyadoo geesta kalena ku fashilantay amniga caasimada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com