Galayr oo laba sano kadib su’aal ka keenay heshiiskii Somaliland (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa su’aal ka keenay heshiis uu horey ula galay maamulka Somaliland, kaasi oo uu la galay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wuxuu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay heshiisaasi iyo cidda ay tahay in wax laga weydiiyo, maadaama muddooyinkii u dambeeyay aysan jirin cid soo hadal qaadeysay heshiiskaasi.

Heshiiskaasi ayaa waxaa sanadkii 2017 magaalada Hargeysa ku gaareen isaga iyo madaxweyne Siilaanyo, balse labo sano kadib wuxuu isweydiiyay halka uu ku dambeeyay heshiiskasi.

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda uu kala hadlayo fulinta heshiiskaasi, maadaama tan iyo xiligaas aan lasoo hadal qaadin, balse madaxweynaha hadda talada haya ayuu sheegay inay isku xisbi yihiin Siilaanyo.

Kala cadeynta howlaha iyo awoodaha shaqada oo lagu muujiyo Dastuurka ayuu sheegay in ay qayb ka qaadan karto in uu gaaro 50 sano ama 100 sano sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay inay taasina caqabad ku noqoneyso heshiiskii horey uu u galay.

Qodobadii ay kala saxiixdeen Axmed Siinlaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ka socday Maamulkii Khaatumo waxaa kamid ahaa: ka shaqeynta sugidda amniga, dhameystirka heshiiska, iyo qodobo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com