Sharaxaad ku saabsan qaabka uu R/W Kheyre ula wareegay shaqadii wasiirka Maaliyadda!

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey inuu faragelin toos ah u sameeyey wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wuxuuna tallaabadaas Ra’isulwasaaraha kala kulmay cambaareyn badan.

Xasan Cali Kheyre ayaa faragelin toos ah u sameeyey wasaaradda Maaliyadda markii uu meesha ka saaray amaro uu soo saaray wasiirka Maaliyadda, taasoo la doonayey in lagu saxo  musuq maasuq dhacay xilligii dowladdii Xasan Shiikh ee watigeeda dhammaaday, gaar ahaan heshiisyo lala galay shirkado gaar loo leeyahay oo la saxiixay qandaraasyo.

Caasimadda Online ayaa xafiiska wasiirka Maaliyadda ka heshay xog badan oo arrintaas ku saabsan, waxayna xogtaas tilmaameysaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daba mareeyey go’aan uu soo saaray wasiirka Maaliyadda kaasoo ku saabsanaa in shirkadaha adeegga dowladda qabta ee heshiiska kula jiro dowladda ay lacagaha ay qabtaan ku shubaan bankiga dhexe.

Madaxda shirkadahaas ayaa dacwad u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, waxayna la qaateen kulamo xasaasi ah o keenay inuu Xasan Cali Kheyre laalo go’aankii uu soo saaray wasiirka Maaliyadda.

Xasan Cali Kheyre ayey xogta sheegeysaa inuu fasaxay dhammaan shirkadihii uu go’aanka kasoo saaray Beyle iyo kuwa cusub oo dowladdii hore heshiisyo la galay, waxaana meeshaas ku burburay amarkii uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Beyle, waxayna weliba arrintaas saameyn ku yeelatay canshuur dhaafka iyo maamulka miisaaniyadda, waxaana tallaabada Ra’isulwasaaraha laga dareemay guud ahaan xukuumadda dhexdeeda gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda.

Shalay ayey aheyd markii uu garyaqaanka guud ee dowladda oo aan horey looga arki jirin inuu ka hadlo arrimaha maamulka dowladda qoraal dheer uu soo saaray ku sheegay in Xasan Cali kheyre ku xadgudbay wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna baarlamaanka ugu baaqay inay arrintaas ka hadlaan, isagoo qoraalkiisa faahfaahin dheeri ka bixiyey tallaabooyinka uu Ra’isulwasaaraha qaaday.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET