29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Sharci ceynkee ah ayuu Gaas qorsheynayaa inuu ku bedelo dastuurka Puntland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa dadaal ku bixinaaya wax ka bedelka Dastuurka maamulka Puntland ee iminka lagu howlgalo.

Hogaamiyuhu waxa uu carab dhabay inay ka go’an tahay in isbedel lagu sameeyo dastuurka maamulka Puntland, isagoo xusay in loo baahan yahay in dastuurku uu ka jawaabo amuuraha iyo baahiyaha jiilkasta.

C/weli Gaas waxa uu sheegay in beelaha qaar ay aad uga soo horjeedan wax kabedelka dastuurka iyadoo laga cararaayo in lagu biiriyo xuquuqda ay leeyihiin beelo dhowr ah oo iyagu aan helin xuquuq Siyaasadeed iyo mid kursiba.

Waxa uu tilmaamay inuu aaminsan yahay in tabashada beesha Tanade ay tahay mid dhab ah, islamarkaana uu doonayo in laga jawaabo.

Ujeedka uu C/weli Gaas ka damacsan yahay bedelka dastuurka maamulka ayaa la sheegay inay tahay inuu ku tashto codadka dhowr beel oo Xildhibaano ku yeelan doona baarlamaanka kuwaa oo codeyn doona.

Qorshaha bedelka dastuurka ayaa beelo dhowr ah u saamaxaaya in kuraas cusub ay ku yeeshan baarlamaanka waxa ayna taa codad dhowr ah siineysaa Gaas oo doonaaya in mar kale uu soo laabto.

Sharci ahaan Dastuurka maamulka Puntland ayaa dhigayo in xildhibaanadu ay yihiin 66 oo aan la kordhin karin ilaa laga helayo afti dadweyne.

Sidoo kale, xilliga la furi karo Dastuurka Puntland, sida uu dhigaayo qodobka 60-aad ayaa ah in la helo Afti dadweyne si dastuurka wax looga badalo.

Dhinaca kale, Dastuurka maamulka Puntland ayaan bedelmi karin iyadoo aan la qaban afti dadweyne, halka C/weli Gaas uu doonaayo inuu afduubto dastuurka isla markaana ku cadaadiyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Wasiirka ay howshiisu tahay arrimaha dastuurka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News