Sharciga doorashooyinka qaranka oo dhimay awooddii madaxweynaha ee xulista ra’iisul wasaaraha (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay loo qeybiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federal, oo is-beddelo cusub lagu sameeyey.

Sharcigan oo maalmahan ay xildhibaanada ka doodayeen, ayaa waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad ka tirsan baarlamanka, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddelo dhowr ah, kadib markii la dhageystay aragtida xildhibaanada, intii ay doodda socotay.

Sharciga ayaa waxaa ku jira qodob si weyn u dhimay awooddii madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ah in madaxweynaha uusan hadda kadib awood u lahayn inuu ra’iisul wasaare u magacaabo qofkii uu doono, balse ay qasab ku tahay inuu ra’iisul wasaaraha kasoo magacaabo xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka.,

Farqada 6-aad ee qodobka 11-aad ee sharcigan ayaa u dhigan sidan:

“Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Sharciga ayaa waxaa sidoo kale ku qoran in nidaamka xukunka Dawladda Soomaaliya uu yahay nidaam baarlamaani ah, islamarkaana mnadaxweynaha ay kulan wadajir ah ku dooranayaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si waaqfsan Qodobka 89-aad ee Dastuurka.

Si kastaba, sharciga ma dhigayo in hoggaamiyaha xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka uu si toos ah u helayo jagada mnadaxweynaha, taasi oo ka duwan nidaamka baarlamaaniga ee dalalka dunida, sida UK oo kale, oo xisbiga hela kuraasta ugu badan uu si toos ah u qaadanayo xilka ra’iisul wasaaraha.

Tani waxa uu macnaheedu noqon karaa in hoggaamiye xisbigiisa laga kuraas bato, uu weli awood u heli karo inuu codad ka raadsado xildhibaanada xisbiyo kale, kadibna loo doorto madaxweyne. Hoos ka aqriso qodobka 11-aad iyo guud ahaan sharciga

Qodobka 11-aad:

Shuruudaha iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

  1. Madaxweynuhu waa madaxa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana loo dooran kara muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha ku xusan Qodobka 88-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  2. Nidaamka xukunka Dawladda Soomaaliya waa nidaam Baarlamaani ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan wadajir ah ku dooranaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  3. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo raacaya sida ku xusan Qodobka 89aad ee Dastuurka, GMDQ ayaana maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka ayadoo loo fulinayo si waafaqsan Xeer Hoosaadka kulamada wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  4. Maalinta doorashada Madaxweynaha JFS waxaa reeban hadaljeedinta murashaxiinta iskood u tanaasulay iyo marti-sharafta iyo olole kasta oo saameyn ku yeelan kara codbixiyeyaasha ilaa doorashadu ka dhaceyso, waxaana lagu faahfaahinayaa habraac ay soo saaraan GMDQ si waafaqsan Dastuurka, Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FS iyo habraaca doorashada Madaxweynaha.
  5. Murashaxa ku guuleysta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla marka la doorto wuxuu Baarlamaanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaar, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Sare si waafaqsan Qodobka 96aad ee Dastuurka kmg.
  6. Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  7. Ra’iisul Wasaaraha la magaacaabay iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa waydiisanaya Baarlamaanka codka kalsoonida.

Halkan ka aqriso sharciga oo dhan