Sharciga NISA oo la geeyay BF iyo dood ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loogu qeybiyay sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Kulanka maanta oo uu guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow ayaa waxa xildhibaanada la siiyay mmuddo 3 maalmood ah oo ay kusoo akhriyaan sharciga cusub ee NISA.

Abshirow ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan loo raacayo xeerka, islamarkaana 3 berri kadib la isugu soo laaban doono doodiisa, xilli kal hore ay dhacday in guddoonka Golaha uu cod galiyay sharci aan la marin nidaamkii xeerarka, kaasi oo dood badan ka dhalisay Golaha.

Xildhibaanada qaarkood ayaa guddoonka Golaha Shacabka ku eedeeyay in la dadajiyay sharciyo hore oo qaarkood hal mar laga dhigay laba akhrin, taasi oo keentay in mudanayaasha golaha ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan sharciyada la horgeeyo golaha.

Inkasta oo sharcigan uusan mad-madow badan ku gadaamneyn ayna tahay markii u horeysay ee hay’adda NISA ay yeelato sharci ay ku dhaqanto sanado badan ayaa haddana waxay xildhibaanada qaarkood qabaan in waqti la siiyo, taasi oo keentay in saddex maalmood kadib la isugu soo laabto.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Sharcigaan ayaa waxa la rumeysan yahay in uu dabrayo madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn.

Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd. Sidoo kale cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharcigan ayaa waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto.

Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda.

Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo.

Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka.

Sharciga cusub ee NISA ayaa waxa uu soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’addan.