R/W XAMZA oo xil sare u magacaabay Xamza Xaadoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilkan u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, wuxuuna bedelaya Amb. Maxamed Cali Nuur oo xilkaan hayay tan iyo horaantii 2020-kii, oo markaas ay u magacowday wasaaradda arrimaha dibedda.

Magacaabistan ayaa dhaqan-galeysaa maanta oo taariikhdu tahay 28-da Janaayo 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku howlan dib u qaabeynta xukuumadda, ayada oo dhawaan uu golaha wasiirada Soomaaliya xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.