Daawo: Al-Waajidi oo BF ka hor sheegay arrin ku saabsan khilaafkii Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimadii dhawaan ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa maanta fadhigooda ugu tagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo u sameeyey baraarujin.

Culimadaan ayaa guddoonka golaha ka codsatay inay kalmado baraarujin ah ka hor jeediyaan xildhibaanada, sida uu kulankii maanta ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow.

Sheekh Xasan Al-Waajidi oo ka mid ahaa culimadii maanta lagu casuumay kulankii xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn kulanka ka akhriyey Qur’aan.

Markii uu soo gabagabeeyey akhrinta Qur’aanka ayuu jeediyey khudbad baraarujin ah, isagoo sheegay in xildhibaanada uu u sameeyey xirsi xir, ‘Waxaan niyeystay inaan Golaha Shacabka Qur’aan saaro, horay  waxaan u Quraan saaray Madaxtooyada oo khilaaf ka jiray, si Sheydaanka iyo Jinigu uga baxo,” Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in hadda ka hor lagu casuumay madaxtooyada oo khilaaf adag uu ka taagan yahay, isla markaana uu Qur’aan ku akhriyey, si sheydaanka uu uga xijaabo madaxda.

“Waa waajib i saran in aan dalka qur’aan u akhriyo, habeen kale ayaan tegay iyadoo sidii uu khilaaf uga taagan yahay madaxtooyada, labada guri ee madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaan qur’aan la dhex istaagay, si khilaafka looga baxo, sababtoo umadii waa dhibaateysan tahay, madaxdiina waa dagaashan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Xasan Al-waajidi.

Shiiqa ayaa xildhibaanada xasuusiyey in dad Soomaaliyeed oo dowlad la’aan ah ay sugayaan, isagoo kula dardaarmay inay khilaaf ka fogaadaan oo danta dalkooda ay ka fekeraan mar kasta.

“Soomaali hadaan nahay aqoonta diinta islaamka kaalinta ugu horeysa ayaan uga jirnaa, markii la joogo adduunka, gudaha dalka markii la joogo waa in muhiimad weyn la siiyo diinta islaamka, idinka dhan waxaan idinka codsaneynaa, in shareecada islaamka lagu maamulo dalkaan,” ayuu yiri Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Hoos ka daawo