Daawo: Wasiirka difaaca oo farriin ka soo diray furimaha dagaalka ee Mudug

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa farriin u diray Al-Shabaab.

Farriinta wasiirka ayaa si gaar ah ugu socotay dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta koxoda Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu wasiirku aad u amaanay ciidamada qaranka ee u dhabar adeygay soo hoynta guulo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

“Halkaan aan joogno waa deegaan, waa jabeen Khawaarijtii, waxaan maanta farriin u dirayaa dhalinyarada la qalday, waxaad leyneysaan dad muslimiin ah, waxaad ku cayaareysaan naftiina, walaalayaalow qaladkaan ka soo noqda, weli fursadaa heysataane,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo maalmo badan ku sugan gobolkaas Mudug ayaa sheegay inuu soo arkay hoogga iyo ba’a ay ku noolyihiin dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab, maadaama uu joogo furimaha dagaalka.

“Dowladiina iyo dadkiinu waa idin soo dhaweynayaan hadaa noo soo laabataan, sidaa ku jirtaan waa hoog iyo ba’ maalin kasta waa gubaneysaan, halaag adduun ayaa ku nooshihiin, kii aakhirana waa idin sugayaa,” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in Shabaab laga adkaaday, isagoo yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Khawaarij waa jabtay, inta hartayna waan is raacineynaa insha allaah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka oo farriintaan isaga soo duubay Cabdi-bile korkiisa ayaa yiri, “In maanta aan halkaan soo gaarno oo shacabkeena deegaanadaan fog ku nool ay xornimo dareemaan waxaa suurta geliyey ciidankeena geesiyaasha ah, Allaha idin abaalmariyo.”

Wasiir Jaamac ayaa maanta sheegay in internet-kii ugu horeeyey ee abid laga isticmaalo ay maanta ku guuleysteen in la gaarsiiyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo kooxda Al-Shabaab ay maamuleysay intii ay aas-aasneyd.

“Taariikhda hala geliyo Xarardheere internetkii ugu horeeyey ayaa galabta laga daayey wicidii ugu horeysey oo WhatsApp ahna anaa hadda sameeyey.
Shacabkayagoow Guuleysta,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo