Sharciyan, wasiir Beyle xaq ma u leeyahay in uu diido in uu hortago xeer ilaaliyaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday inuu hortago xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta looga yeeray.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa warqad uu soo saaray wuxuu wasiirku ka dalbaday inuu hor yimaado si loo weydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda oo sida xafiisku sheegay uu baaritaan ku wado.

Wasiir Beyle ayaa diidmadiisa u sababeeyay in xafiiska xeer iaalinta uusan awood u lahayn inuu u yeero, balse qofka keliya ee u yeeri kara waxna weydiin kara uu yahay Garyaqaanka guud ee dalka.

Haddaba doodda labada dhinac muxuu sharcigu ka qabaa? BBC-da ayaa  su’aashaas weydisay Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) oo ah abukaate waxna ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxaamn Maxamed Xasan (Qaanuuni) ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu xaq u leeyahay inuu baaris hor dhac ah sameeyo ha ahaato mid hey’ad maaliyad khuseysa ama ha ahaato mid qof shakhsi ah oo caadi ah khuseyso ama ha ahaato hey’adaha kale ee dowladda.

“ Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si guud wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo baaris hordhac ah oo ku saabsan dambi inuu dhacay la filayo ama kuwa laga shaki qabo isagoo gudanayo waajibaadkiisa sharci sida ku xusan qodobka 12-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,  sidoo kale qodobka 8-aad ee xeerka garsoorka Soomaaliyeed, sidoo kale qodobka 69-aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobka 70-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana markaas kadib xeer ilaaliyaha usoo baxayo waxa uu baarayo inay yihiin wax jira oo mudan in maxkamad loo gudbiyo iyo in baaritaank ay uga soo baxdo inuusan dambi jirin, xaq ayuuna u leeyahay inuu baaro kiisaska” ayuu yiri Qaanuuni.

Qaanuuni oo wax laga waydiiyey haddii uu wasiir Beyle xaq u leeyahay inuu diido u yeerista xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuusan wax sharci ah u heysan inuu diido warqadda kasoo baxday xeer ilaalinta ee looga codsaday inuu hor yimaado.

“ Waan aragnay qodobada uu wasiir Beyle soo qaatay oo leh garyaqaanka guud ayaa xaq u leh inuu maxkamadaha hortooda ka difaaco hey’adaha dowladda, waa sax qodobkaas, laakiin ma jirto dacwad wasiirka laga gudbiyey oo hortaala maxkamadaha oo uu garyaqaanka ka difaacayo, garyaqaanka wuxuu difaacaa dacwooyinka ka dhanka ah hey’adaha dowladda ee hor yaala maxkamadaha, sidaas darteed ma jirto wado hadda u furan garyaqaanka guud oo uu ku difaaco wasiirka maaliyadda” ayuu yiri Qaanuuni.

Qaanuuni ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday xeer ilaalinta ay kaliya ku qorneyd in wasiirka wax laga waydiiyo arrimo la xiriira maaliyadda.

Abuukaate Qaanuuni ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si arrintaan loo xaliyo loo baahan yahay in hanta-dhowraha guud uu marka hore sameeyo baaritaan haddii la helo caddeymo muujinayo inay jiraan wax isdaba marin maaliyadeed markaas kadib in loo gudbiyo xeer ilaalinta sharcigana looga waco qofka ay khuseyso.