26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Shariif oo arrinta Jubaland uga hadlay si muujinaysa in mucaaradku aysan ku mowqif ahayn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku miijiyey sida uu uga xunyahay duulaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay mar kale ku qaaday Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Warkaan ayaa muujinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta aysan isku mowqif ka ahayn arrinta Jubbaland, maadaama horay ay si mideysan mowqifkooda ugu muuji jireen, balse hadda Sheekh Shariif kaliya ayaa u bareeray in dowladda federaalka uu ku cambaareeyo masuuliyadda xiisadda taagan.

“Xisbiga Himilo Qaran, wuxuu ka xunyahay islamarkaana cambaaraynayaa weerarrada is dabo-joogga ah ee Xukuumadda Federaalku ay ku hayso Dowladda Jubbaland, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo,” ayaa lagu bilaabay qoraalka Sheekh Shariif.

Xisbiga Shariifka ayaa sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in Xukuumaddu duullaan ku qaaddo dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka oo ciidamo diyaarado ku daabusho, iyadoo cadowgii ummadda Soomaaliyeed uu u muuqdo Magaalada Muqdisho.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dhaqaalahii, hubkii iyo ciidankii Soomaaliyeed loo adeegsado dano gaar ah, iyada oo laga weecinayo meeshii loogu talo galay ee ahayd cadowga argagixisada ah,” ayaa lagu yiri Bayaanka Himilo Qaran.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dalkeenna iyo dadkeennu aysan u baahnayn dagaal sokeeye iyo barakac bulsho, isla markaana ay masuuliyad darro tahay in la isku baabi’yo ciidankii Qaranka, wakhti baahi wayn loo qabo in la iska kaashado dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah ee naafeeyay dowladnimada Soomaaliya.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqayaa in Xukuumadda Federaalku ay wada-hadal nabadeed wax ku raadiso, waana inay ogaataa innaan xalku ku imaan karin qori caaraddiis iyo gacan ka hadal, cid kasta oo xukuumadda ka aragti duwanna aan lagu keeni karin jajuub iyo dagaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Xisbigu wuxuu caddeeyey in uu aaminsanyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u heshiisiin u baahanyihiin ee ay aysan u baahnayn wixii horay u kala geeyay.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu uga digayaa hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah inaan ciidamada Qaranka marnaba loo adeegsan dano siyaasadeed iyo ujeeddooyin gurracan, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta kala aaminbax iyo kalsooni darro, isla markaana fursad u abuuri karta kooxaha argagixisada ah ee diidan nabbada iyo dowladnimada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka uu soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Read more

Local News