SHARIIF oo qoraal aysan la wadaagin Musharaxiinta kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa war-murtiyeed u gaar ah, oo aysan la wadaagin musharaxiinta kale kaso saaray doorashada Golaha Shacabka, kana digay in markale dib u dhac ku yimaado.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay dalka, isagoona sheegay in ku dhawaad sanad ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay.

“Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoo u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan,” ayuu lagu yiri war-murtiyeed uu soo saaray Sheekh Shariif.

“In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.”

Waxa uu ka digay in markale uu dib u dhac ku yimaado waqtiga loo qabtay dhameystirkeeda, wuxuuna walaac ka muujiyey hanaanka ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay keeni karto in muran uu ka dhaco natiijada doorashada.

“Waxaa jira cabashooyin ku aadan hanaanka doorashooyinka loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah-furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyey 17-Sep 2020 iyo 27-May 2021.”

Waxa uu soo jeediyay in Golaha Wada-tashiga Qaranka inay xaliyaan tabashooyinka kasoo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca lagu muujinayo hanaanka loo maamulayo doorashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Guddiyada doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa ku boorinayaa inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuq-maasuq, taas oo dhaawici kara natiijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.”