Baku (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shirweyne caalami ah uga qayb-galay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo geeyay arrimaha isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa faahfaahiyay shirka uu ka qayb-galay, wuxuuna sheegay in looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday shirka uu kusoo bandhigay caqabadaha siyaasadeed, kuwa amni iyo dhibaatooyinka kale ee haatan ka jira gudaha dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhibaatada argagixisada iyo khilaafaadka siyaasadda.

“Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah” ayuu sii raaciyay.

Arrimaha kale oo shirkan looga hadlay waxaa kamid ah sidii xal waar loogu heli lahaa in dowladuhu ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda kale ee u degsan, si looga hortago inuu yimaado qalalaase ama gacan ka hadal.

“Waxaan kaloo diiradda saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa kulamo doceedyo la yeeshay madaxdii ka qaybgashay madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Turkiga.

Ka qayb-galka Shariif ee shirkan caalamiga ah ee uu uga hadlay caqabadaha ka jira siyaasadda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli isaga iyo madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh ay si weyn isugu hayaan hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa inay qabato doorasho qof iyo cod ah, halka Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin qorshaha dowladda.