Shariif Xasan oo fursad uu ku guuleysan karo ka helaya xildhibaanada Xamar jooga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sida qorshaha uu yahay la filayaa inay ku laabtaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Laakiin Qaar kamid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ee jooga magaalada Muqdisho ayaa dareemaya cabsi dhanka amaanka, taasi oo keeni karta inaaney dib ugu laaban magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar ay cabsi soo foodsaartay, gaar ahaan xildhibaanada hogaanka u hayay xildhibaanada ka yimid magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ilaa xalay waxaa hoteelada ay ka degen yihiin magaalada Muqdisho ka socday kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin xildhibaanada iyaga oo kaga tashanayay ku laabashadooda magaalada Baydhabo iyo xaaladooda amaan.

Waxay xildhibaanada qaar soo jeediyeen in la damaanad qaado amaankooda ilaa ay ka dhaceyso doorashada, waxaana haddii ay ku adkeystaan sii joogitaankooda magaalada Muqdisho ay fursad kale u noqoneysaa Shariif Xasan Sheikh Aadan, maadaama uu dacwad ka dhigan karo maqnanaanshaha xildhibaanada.

Xaalada doorashada Koonfur Galbeed ayaa isbadashay waxii ka dambeeyay markii ay is casileen 18 kamid ah guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka koobnaa 27 xubnood oo baarlamaanka ka tirsan.

Arinta ayaa sii xumaan karta maadaama ay guddigii shalay iscasilay ay sheegeen in musharixiintii shalay isdiiwaan gelisay aysan sax aheyn.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhawaan tagay magaalada Baydhabo ayaa ka digay in doorashada Koonfur Galbeed ay ka dhalato gacan ka hadal, kadib markii uu qiimeeyay xaalada iyo halka la kala taagnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com