Xubnaha ka haray gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo go’aan kale qaatay iyo jahwareer cusub

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xubnaha ka haray guddigii shalay iscasilay ay qaateen go’aan ka duwan iscasilaadak 15 xubnood ay ku dhawaaqeen.

Xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ka koobnaa 27 xubnood, waxaana 15 kamid ah shalay ay ku dhawaaqeen inay iska casileen ka mid ahaanshaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

12-ka Xubnood ee hartay ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan Shaqadii Guddiga,isla markaana diiwaangelinta Musharixiinta ay halkooda ka sii wadayaan, doorashadana waqtigeeda ay dhaceyso.

Guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed ayay ka codsadeen inuu si dhaqso ah kusoo dhameystiro xubnaha guddiga ka dhiman si doorashada ay u dhacdo 17 bishaan November.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen 12 ka mid ah Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeysa xilli qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen in faragelinta dowladda aawgeed ay dib u dhigeen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com