Shariif Xasan oo gaaray Ethiopia iyo qodobbada uu ka tabanayo Axmed Madobe oo uu shaaciyay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis ababa ee xarunta Ethiopia gaaray wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safarkiisa ayaa waxaa ku wehlinaayay tiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa, waxa uun Socdaalkiisu yahay mid salka kuhaya khilaafka kala dhexeeya Hogaamiyaha Maamulka Jubbland.

Shariif Xassan ayaa waxa uu kulan hordhac ah la qaatay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Wasiirka arrimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kawada hadleen arrimaha Khilaafka iyo xal ka gaaristiisa.

Xubno ka tirsan wafdiga Madaxweynaha ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Shariif Xassan uu ku doodaayo in Axmed Madoobe uu Haminaayo inuu gacanta ku dhigo deegaano hoostaga maamulkiisa iyo inuu dhul balaarsi dhanka xuduuda ah ku sameeyo Maamulka Jubbland, taasina ay tahay sababta ugu weyn oo uu khilaafka ka dhashay.

Sidoo kale Shariif Xassan waxa uu Mas’uuliyiintaasi hordhiyag in Axmed Madoobe uu ka talaabay heshiis ay horay u wada gaareen oo ahaa in si xaq ah Beelaha kasoo jeeda Koonfur galbeed ee dega Kismaayo uga mid noqdaan Baarlamaanka Jubbaland, taasi oo iyana qeyb ka ah Khilaafka.

Kulanka labaad ee Shariif Xassan iyo Mas’uuliyiinta Ethiopia ayaa waxa uu manta mar kale ka furmi doonaa Wasaarada Arrimaha Dibadda Ethiopia, kaasi oo lagu lafa guraayo boogta colaadeed ee ka dhextaagan labada maamul.

Geesta kale, Socdaalka Shariifka ee Addis Ababa ayaa lagu wadaa inuu wax weyn ka badalo xiriirka labada maamul ee jaarka ah, waxaana la filayaa in Axmed Madoobe uu isna gaaro Magaalada Addis ababa si xal looga gaaro Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com