Shariif Xasan oo go’aan yaab leh la yimid iyo Jawaari oo Shariifka ku tilmaamay nin waalan

Muqdisho (Caasimada Online)  – Iyadoo weli laysku hor fadihiyo go’aankii laga sugayay shirka madasha wadatashiga, ayaa waxaa ilo wareedyo ku dhow dhow madasha aay Caasimad Online u sheegeen in Shariif Xasan uu la yimid feker cusub, kaasoo uu isku dayayo in ka dhigo maslaxad dhinacyada isku hayo go’aanka madasha

Shariif Xasan ayaa la soo shir tagay arrin keeni doonto kacdoon shacab iyo dagaalo lagu hoobto waa haddii aay madasha qaataan fekerka Shariif Xasan.

Fekerka uu soo bandhigay ayaa ah sidan
1. In la isku tanaasulo oo koox walbo tix gelin la siiyo rabitaankeeda.
2. In si loo helo go’aan wada jir ah, la siiyo gobolka Banaadir kuraasta aqalka sare uu leeyahay oo ah 8 kursi
3. In madasha aay go’aamiyaan in loo madax bannaaneeyo soo xulida xildhibaanada labada gole, oday dhaqameedyadana aay ku ekaadaan oo kaliya ansixinta xildhibaanada aay soo xulaan madaxda dowlad goboleedyada, madaxweynaha JFS, iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa arrintan isla markiiba ka biyo diiday guddoomiyaha baarlabaanka JFS Jawaari isagoo ku tilmaayo go’aan iyo talo ka timid nin aanan arkin maslaxadda dalka iyo dadka, balse u jeedo oo kaliya in uu magac iyo awood uusan lahayn ku lahaado dowladda dhexe.

Arrintkan ayaa haddii uu dhaqan galo waxaa la filaayaa in uu kicin doono dagaal iyo kacdoon shacab sida aay u sheegeen Caasimada Online dadka ka faallooda siyaasaddda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com