Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wax badan ay iska badaleen fikradii ay qabeen madaxweynayaasha maamulka Jubbaland iyo Puntland oo diidanaa in wax laga badalo hishiiskii bishii April magaalada Muqdisho lagu gaaray.
Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in madaxweynaha Jubbaland iyo Puntland ay aqbaleen in hishiiskii hore lagu soo kordhiyaa xubnaha aqalka sare u matali doona gobolka Banaadir, balse waxay soo jeediyeen sharuud u cuntami weysay Xasan Sheikh iyo xulafadiisa.
Waxay aqbaleen in aqalka sare ee baarlamaanka xubno uu ku yeesho gobolka Banaadir iyagoo soo jeediyay in xubnahaasi lagu soo xulaa nidaamka qabaliga ee 4.5 si ay kaga wada dhex muuqdaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka Banaadir.
Arintaasi ayaa la sheegay in dood kale uu ka keenay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Axmed Madoobe iyo C/welli Gaas.
Labada madaxweyne ayaa aqbalay soo jeedinta Xasan Sheikh ee xubnaha lagu kordhinayo aqalka sare kadib markii cadadis xoogan ay kala kulmeen wakiilada beesha caalamka ee ku biiray wadahadalka.
Waxaa haatan socota qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu shaacinayo hishiiska la gaaray.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

