Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii Seddexaad magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda Shirka wadatashiga Qaran ee looga arrinsanaayo laba qodob oo kala ah Doorashada iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka dhashay Muran aad u adag oo uu sabab u yahay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa soo jeediyay in tirada Maamulada Puntland iyo Somaliland laga siiyay Aqalka Sare laga jaro mid 3 kursi, waxa uuna Jawaari tilmaamay in 6-daasi Kursi ay DFS ku biiriso 2 kale kadibna lasiiyo Gobolka Banaadir.
Jawaari waxa uu soo jeediyay in suuragalnimadu ay ka fog tahay in Caasimada dalka loo diido Maqaamkeeda, waxa uuna Cod dheer ku sheegay in Magaalada Muqdisho ay u baahan tahay 8 Kursi oo ay ka hesho Aqalka Sare ee BFS.
Jawaari waxa uu sheegay in 8 Kursi ee Gobolka Banaadir lala doonaayo ay qaaraami doonaan Puntland iyo Somaliland oo mid 3 Kursi laga qaadi doono, halka 2 harsana ay DF bixineyso si Gobolka Banaadir ay ula sinaato Gobolada kale.
Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in marnaba aysan qaadan doonin in mar waliba ay DFS iyo Beesha Caalamka u hogaansamaan rabitaanka Maamulka Puntland.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad u qaaday soo jeedinta Jawaari, waxaana wali socda dadaalo lagu raali galinaayo labadaasi maamul.
Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa iyana soo jeedisay in Gobolka Banaadir lasiiyo 5 Xubnood, bacdamaa ay kasoo dib dhacday fadhiyadii lagu heshiiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

