26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Shariif Xasan oo loo wado wadadii la marsiiyay Cabdikariin Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa waddo qorshe la mid ah qorshihii xildhibaanada Galmudug.

Xildhibanaada Koofur Galbeed ayaa sheegay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Koofur Galbee Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Xildhibaanada ayaa doonaya inay xilka ka qaadaan madaxweynaha oo eedeymo badan ay u jeedinayaan.

Xildhibaan Cismaan Maxamed Caato, oo kamid ah baarlamaanka koofur Galbeed ayaa sheegay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan oo la xiriiro gudasho la’aanta waajibaadka horyaalay.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in ku dhawaad 85 xildhibaan ay doonayaan inay mooshinkaasi ka gudbiyaan madaxweynaha Koofur Galbee Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee uu xilka hayay in uusan waxba u qaban bulshada kunool gobolada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xildhibaanada Galmudug ayaa maalmo ka hor xil ka qaadis ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Mr Guuleed, waxaana xiisada mooshinka walika taagan magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News