25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Yaa la wareegi doona awooda lagu maamulaayo doorashada madaxweyne?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in gudaha Asbuuca soo socda uu magaalada Muqdisho kadhaco shir u dhexeyn doona Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.

Shirka ayaa waxaa lagu dajin doonaan hanaanka Doorashada Heerka Madaxweyne waxaana si wadajir ah u shir guddoomin doona Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ugu weyn oo looga hadli doonaa dajinta nidaamka lagu maamuli doono Doorashada aadka u adag waxaana lagu wadaa in shirkaasi ay goobjoog ka noqon doonaan Guddiga Doorashooyinka.

Ujeedka labaad ee shirka ugu weyn ayaa la sheegay inuu yahay in isla goobta lagu dhiso guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha oo ka kooban labada Aqal.

Dajinta nidaamyada loo maraayo Doorashada ayaa waxaa lahaan doona guddiga qaban qaabada doorashada oo laga soo dhex xuli doono Xildhibaanada Labada Aqal.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa yeelan doona Awood aad u ballaaran, waxaana si sharci ah looga danbeyn doonaa inta badan howlaha la xiriira Doorashada heerka Madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga qaban qaabada doorashada ee la yagleeli doono ayaa ka koobanaan doona Xildhibaanada Gobolada laga soo doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News