Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif oo markii uu kasoo degay Garoonka Aadan Cadde la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku fashilmay Amniga magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in waddooyinka magaalada ay yihiin kuwo kala go’an oo culeys laga saaray dadka Shacabka ah.
Sheekh Shariif waxa uu tilmaamay in mudad ay xilka heysay Dowlada Xasan Sheekh ay hanan weyday kaliya Amniga magaalada ka hor inta aan la gaarin Amniga Gobolada dalka.
Sheekh Shariif waxa uu sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan dhaqan galin dhamaan Lixdii Tiir ee uu ballanqaaday, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dalka Somalia uusan aheyn mid amni ah loona baahan yahay in la helo isbedel muuqda.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh cod dheer ku sheegay in dowladiisu ay dhaqan galisay Lixda tiir oo fulinteeda ay ballanqaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

