25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Shariif Xasan oo magacaabaya Wasiiro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in iminka halkaasi ay ka socto Munaasabad lagu magacaabayo Wasiiro hor leh oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Munaasabada ayaa waxa ay ka soctaa Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed, waxaana halkaasi ku sugan Madaxweynaha Maamulka iyo Xubno ka kala socda QM iyo Ethiopia oo iyagu goob joog ka ah qaabka ay u dhaceyso Munaasabada Wasiirada lagu magacaabayo.

Madaxtooyada ayaa waxaa hadda kusii qulqulaayo Weriyayaal iyo Odayaal dhaqmeedyo looga yeeray Munaasabada magacaabista, waxaana lasoo sheegayaa in aan weli lagu dhawaaqin, lana ogaan Magacyada xubnaha , hase ahaatee lagu wargeliyay inuu Madaxweynaha Maamulkaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, uu doonayo inuu ku dhawaaaqo Maanta ilaa iyo dhowr Wasiir oo kale.

Wasiiradaas ayaa la sheegayaa in la filayo in ay isugu jiraan Wasiiro iyo ku-xigeeno, waxaanse wali cadeen inuu Shariif magacaabista kusoo dari doono ku xigeenadiisa.

Dhanka kale, Xubnaha Cusub ee kusoo biiri doono Maamulka Koofur Galbeed, ayaa la filayaa in wax yar kadib lagu dhaawaaqi doono magacyada iyo xilalka Wasiirada ee kusoo biiri doono maamulka Koofur Galabeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News